Shirwaynaha Afraad ee Madaxweynayaasha Jaamacadaha Carabta iyo Shiinaha oo ka dhacay dalka Jordan

0
Wednesday October 19, 2016 - 09:27:29 in News & Events by Super Admin
  • Visits: 2208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Shirwaynaha Afraad ee Madaxweynayaasha Jaamacadaha Carabta iyo Shiinaha oo ka dhacay dalka Jordan

    UoB(Amman-Urdun): Shirkana waxa martigeliey Xoghanta Ururka Jaamacadaha Carabta (Dr Sultan Abuorabi and His team)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda Jaamacadaha Arabta iyo Shiinaha
UoB(Amman-Urdun): Shirkana waxa martigeliey Xoghanta Ururka Jaamacadaha Carabta (Dr Sultan Abuorabi and His team)

Shirwaynaha afraad ee Jaamcadaha carabta iyo Shiinaha waxa lagu qabtay dalka Urdun gaar ahaan goobta Zarqa University waxa ka qayb galay ilaa 140 Jaamacadood iyo weliba hayado caalami ah oo la shaqeeyaUrurka Jaamcadaha Carabta (Association of Arab Universities) iyo Shiinaha. Shirku wuxuu bilow ilaa dhamaad socday 26-kii ilaa 29-kii September, 2016.

Somaliland, shirwaynaha Jaamacadaha waxa uga qaybgalay wefdigan:

1.Wasiiru dawlaha Wasaarada Waxbarashada & Tacliinta Sare (Mohamed H.Adan)

2.Gudoomiyaha Jaamacadda Burco – Prof.Suleiman Dirir Abdi (Xubin Buuxda)

3.Gudoomiyaha Jaamacacadda Gollis –Dr.Saeed Ahmed Hassan (Xubin suge)

4.Hormuudka Kulliyada Caafimaadka ee Jaamacadda Camuud –Dr.Fadumo Abokor Omar (Xubin Buuxda)

5.Lataliyaha Wasiirka Wasaarada Waxbarashada & Tacliinta sare (Ahmed Osman Indhabir)

Agandaha Shirka: Furitaan & Warbixino

Xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga ururka Jaamacaddaha carabta kuwa Shiinaha dhinacyada:

a)Hogaaminta & Maareynta (Leadership & Management)

b)Tayaynta Jaamacadaha heer dal, heer caalamiba  iyo waxtarkooda(quality assurance & Relevance)

c)Horumarinta cilmi baadhista (Research Development)

d)Isweydaarsiga luuqadaha( Languages, Arabic- Chinese – Chinese Arabic)

e)Wadashaqanta iyo Xidhiidhka Jaamacadaha Carabta iyo Shiinaha.


Guulaha:


§ Isbarasho Jaamacadaha Carabta ee Jaamacadda Burco ka mid tahay iyo kuwa Shiinaha

§ Doodo, talo bixin iyo aqoon iswadaarsi

§ Aqoonsiga shahaadadaha Jaamacadda Burco iyo tan Camuud

§ Iskaashiga Jaamacadda Burco & kuwa ururka Jaamacadaha carabta iyo waliba kuwa Shiinaha

§ Somaliland heerkeeda aqooneed iyo dublamaasi ahaanba ay u barteen masuuliyiinta ururka Jaamacadda carabta iyo kuwa shiinuhuba

§ Martiqaadyo ay inoo fidiyeen Jaamacadaha qaar

§ Isbarbardhiga tayada Jaamacadaha Carabta/Shiine iyo kuwa Somaliland-ba dhinacyada infrastructure , environment building , learning resources, equipment I.W.M

§ Iswaydaarsiga iyo kor u qaadista aqoonta macalimiinta Jaamacadda

§ Cilmi baadhista Jaamacadda Urdun waxanay leedahay Stems cells lab

§ Kudayashada cilmi baadhista Jaamacadaha qaar, sida Jaamacada Urdun oo wada cilmi baadhista – Sterm Cells-ka (Cilmiga Xubno Bedelka)

·Talo Soo jeedin & gunaanad iyo goobta shirka danbe oo noqon doonta dalka Shiinaha Sanadka soosocda Hadii alle yidhaa,




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Contact us

For General Inquiries contact us on:

  • Telephone: +252 2 712642

Connect with us

We're on Social Networks. Follow us & get in touch.
Copyright © 2012 - 2017 University of Burao All Rights Reserved.